PUNTLAND 28 SANO JIRSATAY: RIYO RUMOWDAY, BALLANQAAD WELI SUGAYA IN LA HIRGELIYO
Milicsi shakhsiyeed oo ku saabsan aasaaskii Puntland, guulihii ay gaadhay iyo hawshii weli dhiman.

Waxaan ahaa wiil yar oo dhowaan dhammaystay fasalkii koowaad, una diyaar garoobayay inuu u gudbo fasalka labaad ee dugsiga hoose, markii aan markii ugu horraysay arkay ergooyin isugu soo ururaya magaaladaydii yarayd ee Garoowe. Waagaas ma aanan ogeyn in aan daawanayay tallaabooyinkii ugu horreeyay ee ay dawlad-goboleed cusub ku dhalanaysay. Laba xusuusood oo waagaas igu dhacay ayaa ilaa maanta maskaxdayda ku xardhan.
Xusuusta koowaad waxay la xidhiidhaa aabbahay. Wuxuu ka mid ahaa ergada. Subax kasta wuxuu guriga ka bixi jiray ka hor inta aanay magaaladu si buuxda u soo toosin, wuxuuna soo laaban jiray fiidkii, isaga oo daallan balse faraxsan. Anigoo carruur ah ma fahamsanayn waxa isaga iyo ergada kale ay dhisayeen. Waxa keliya ee aan garanayay waxay ahayd in arrin muhiim ahi socoto, waayo dadka waaweyni waxay ka sheekayn jireen iyaga oo codadkoodu muujinayaan culays iyo masuuliyad.
Xusuusta labaad waxay ku saabsan tahay Barxadda. Markii dugsigu noo dhammaado, waxaan mari jirnay maqaayadaha ku dhow barxadda, kuwaas oo mar kasta dadku buux dhaafiyeen. Garoowe oo ahayd magaalo yar oo deggan ayaa si kedis ah isu beddeshay goob ay dadku koobab shaah ah agtooda kaga dhisayeen taariikh.
Markii dambe, waxaan xusuustaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf. Ayeeyday iyo ehel kale ayaa wada fadhiisan jiray, iyaga oo walaac ka muujinayay xiisaddii ka taagnayd Laacdheere. Waagaas ma fahmin waxa dhacay, balse markii dambe ayaan ogaaday in maleeshiyaad diiday natiijadii doorashada ay halkaas ka samaysteen bar-koontarool. Arrintaasi waxay horseedday hawlgalkii ugu horreeyay ee amni ee ay fuliso dawlad-goboleedkii cusbaa ee Puntland. Hawlgalku wuu guulaystay, waxaana maleeshiyaadkii la qabtay loo gudbiyay RF, xabsiga ku yaalla Boosaaso.
Maanta waxaan fahamsanahay in labadaa xusuusood ee carruurnimadayda, adeegii aamusan ee aabbahay iyo sheekadii walaaca lahayd ee qoyskaygu ka hayay bar-koontaroolka, ay qaabeeyeen fahamkayga ku saabsan waxa ay ka dhigan tahay dawlad-dhisid.
Waan koray, waxbarashadaydii waan dhammaystay, waan shaqeeyay, waan guursaday, carruurna waan dhalay oo koriyay, dhammaantoodna waxaan ku soo qaatay maamulkii ka dhashay shirkii Garoowe ka dhacay.
Waxaan ahaa qof nasiib leh. Dad badan oo jiilkayga ka mid ah, oo ku noolaa qaybaha kale ee Soomaaliya, ma aysan helin nabaddii iyo nidaamkii u saamaxay inaan anigu nolol dhisto. Taasina waa nimco aanan marnaba fududaysanayn.
Sababtii Puntland Loo Aasaasay
Guddoomiyihii Shirweynihii Weyn, Islaan Maxamed Islaan Muuse, ayaa si cad u qeexay ujeeddooyinkii ay aasaasayaashu lahaayeen. Laba hadaf oo waaweyn ayaa hagayay dadaalkaas:
In la dhiso nidaam iskiis isu maamuli kara, awoodna u leh inuu bulshada u horseedo xasillooni iyo adeegyada aasaasiga ah.
In laga qaybqaato dhismaha Soomaaliya federaal ah oo ku dhisan nidaam baarlamaani ah, halkaas oo gobol kasta, ee aanu xarunta dhexe oo keliya ahayn, uu ka faa'iidaysan karo hay'ado shaqaynaya iyo adeegyo bulsho.
Ku dhowaad soddon sano ka dib, waxaa mudan in si daacad ah loo isweydiiyo inta ay le'eg tahay himiladii aasaaska ahayd ee la xaqiijiyay iyo inta weli sugaysa in la fuliyo.
Dhaxal Mudan In Lagu Faanno
Marka si daacad ah loo qiimeeyo, Puntland waxay gobolka ka dhex leedahay taariikh guulo muuqda leh. Ma aha maamul aan lahayn ceebaha iyo caqabadaha u gaarka ah, hase yeeshee waa taariikh mudan in lagu faano, lana tebiyo.
Amniga, inkasta oo aanu dhammaystirnayn, haddana inta badan waa la ilaaliyay. Waddooyinka, dhismayaasha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee aasaasiga ahi way ballaadheen, inkasta oo baahiyaha bulshadu weli ka badan yihiin awoodda wax-qabadka jirta.
Magaalooyinku si xawli ah ayay u koreen. Waxbarashaduna waxay samaysay horumar aan hore loo malayn karin. Maanta waxaa dhulka Puntland ka shaqeeya in ka badan toban jaamacadood, halka markii Puntland la aasaasayay aanay jirin jaamacado sidan oo kale ah.
Ku dhowaad tuulo kasta waxay heshay biyo ay heli karto. Xarumaha caafimaadka aasaasiga ah iyo kuwa daryeelka hooyada ayaa ku baahday guud ahaan deegaannada. Dugsiyada hoose/dhexe waxay maanta gaarayaan boqolaal, marka loo eego qiyaastii darsin dugsi oo keliya oo ka badbaaday sannadihii xukunkii milatariga ee ka horreeyay aasaaskii Puntland.
Tani waa sheekada guusha, waana taariikh mudan in la tebiyo.
Ballanqaadyadii Aasaaska ee Weli Aan La Fulinin
Hase yeeshee, daacadnimadu waxay sidoo kale ina faraysaa inaan ka hadalno ballanqaadyadii aan weli la xaqiijin.
1. Awooddii oo aan si buuxda loogu celin shacabka.
Axdigii aasaaska Puntland wuxuu ballanqaaday in muddo saddex sano gudahood ah awoodda dib loogu celin doono shacabka, si ay iyagu u doortaan hoggaamiyayaashooda, laga bilaabo Madaxweynaha Dawladda ilaa xubnaha golayaasha deegaanka.
Ballanqaadkaasi weli ma noqon mid si buuxda loo xaqiijiyay. Hoggaamintu marar badan waxay ku tiirsanayd awoodda iyo shakhsiyadda qofka hoggaanka haya, halkii ay xoogga saari lahayd dhismaha hay'ado waara oo nidaamka dawladnimo sii shaqayn kara.
2. Amniga oo weli kala qaybsan, halkii uu ka ahaan lahaa ciidan mideysan oo dawladdu maamusho.
Weli lama dhisin nidaam amni oo casri ah, isku xidhan, dhammaan Puntlandna ka wada shaqeeya. Hub tiro badan ayaa weli ku jira gacanta beelaha, halkii ay ka hoos iman lahaayeen dawladda.
Marka laga reebo Booliska iyo Ciidanka Booliska Badda Puntland, waxaa yar ciidamada leh aqoonsi iyo hayb dawladnimo oo Puntland oo mideysan.
Qaybo badan oo ka mid ah qaab-dhismeedka amniga ayaa weli ku dhisan saamaynta beelaha iyo shakhsiyaadka awoodda leh, halkii ay si buuxda ugu dhisnaan lahaayeen awoodda iyo hay'adaha dawladda.
3. Awoodihii aasaasiga ahaa ee dhaqaalaha oo aan weli si ku filan loo horumarin.
Xoolaha nool iyo kalluumaysigu waa laf-dhabarta dhaqaalaha Puntland, hase yeeshee ma aysan helin maalgashigii ay mudnaayeen.
Magaalooyinka xeebuhu weli ma haystaan kaabeyaashii aasaasiga ahaa ee loogu baahnaa in khayraadka dabiiciga ah ee ay haystaan loogu beddelo dakhli waara oo ay bulshooyinkoodu ka faa'iidaystaan.
4. Nidaamka caafimaadka oo dib uga dhacay qaybaha kale ee horumarka.
Maalgelinta ay dawladdu ku samaysay caafimaadka ayaa ahayd mid daciif ah intii ay jireen maamulladii kala dambeeyay.
Isbitaallada gaarka loo leeyahay ayaa isku dayay inay buuxiyaan farqigaas, iyaga oo dhisay xarumo caafimaad oo dhowr ah oo heer dhexe ah, kuwaas oo shaqadoodu muuqato. Hase yeeshee, xitaa xarumahaasi waxay la tacaalaan caqabado badan marka ay waayaan taageero macno leh oo ka timaadda nidaamka caafimaadka guud.
Gunaanad: Ilaalinta Midnimada iyo Dhammaystirka Himiladii Aasaaska
Puntland waa maamul ay jirto sabab sharci ah oo lagu faani karo, waana in laga ilaaliyo cid kasta oo doonaysa inay fashilanto.
Midnimada shacabkeedu waxay weligeed ahayd aasaaska dhabta ah ee ay ku taagnayd, waana sababta ay ugu adkaysatay caqabadaha, kuna kortay muddada ku dhow soddonka sano. Midnimadaas waa in wax kasta laga hor mariyaa ilaalinteeda.
Hase yeeshee, ku faanidda wixii la qabtay ma aha inay hoos u dhigto dalabka ah in wax badan la qabto. Marxaladda xigta ee Puntland waxay u baahan tahay nidaam amni oo casri ah oo mideysan, nidaam caafimaad oo xooggan iyo maalgashi dhab ah oo lagu sameeyo kalluumaysiga iyo bulshooyinka xeebaha ku nool, kuwaas oo muddo dheer sugayay inay helaan saamigooda ku aaddan ballanqaadkii dawladnimada.
Ergooyinkii uu aabbahay dhex socday sannadahaas fog ee Garoowe waxay dhiseen wax dhab ah oo muuqda.
Maanta waxaa jiilkan saaran masuuliyadda ah inuu xaqiijiyo in shaqadii ay bilaabeen aan keliya la sii ambaqaadin, balse ugu dambayn la dhammaystiro.
Idiris Mohamoud Hamud
Agaasimaha Fulinta iyo Aasaasaha, Machadka UDUB Insights
Khabiir ku takhasusay Siyaasadda Guud iyo Maamul-wanaagga (Public Policy and Governance Expert)
